Tani ma ahan qof dawarsanaya ama tuugsanaya ama qaxooti ay dunidu ciriiri gelisay

Tani ma ahan qof dawarsanaya ama tuugsanaya ama qaxooti ay dunidu ciriiri gelisay. Waa Tarja Halonen, oo ahayd madaxweynihii jamhuuriyadda Finland intii u dhexeysay sannadihii 2000 ilaa 2012-kii. Muddadaas waxa ay Finland ku jirtay liiska wadamada ugu wanaagsan adduunka dhanka horumarka sida amniga, waxbarashada, caafimaadka iyo kaabayaasha dhaqaalaha, gaar ahaan warshadaha iyo shirkadaha waaweyn.

Sawirku waa iyada oo xiran dhar huudhey duug ah oo fadhida mid kamid suuqyada dalkaasi. Waxa ay fadhisay saacado dhowr ah, iyada oo aan heysan, waardiye, wehel iyo hoy midna, waxa ay u sameysay arrinkaas, si ay nafteeda u dareensiiso dadkana u dareensiiso dhibta iyo nolosha adag ee ay ku nool yihiin dadka qaxootiga ah iyo masaakiinta aan hoyga lahayn.

Waxa ay tiri,”Waxa aan noqon karay mid dawarsata ama qaxooti ah, laakiin nasiibka ayaa ii hiilliyey oo iga dhigay Madaxweyne, sidaas darteed, waa in aanan hilmaamin oo aan dhibka iyo duruufaha qallafsan la dareemaa kuwa uusan nasiibku saacidin ee gaajeysan.”

Fadlan walaal adigoo mahadsan Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan qoraalkan.

Qalinkii: Cabdullaahi Baabal

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top