Muuse Suudi…….Daarood Kalliyaa Shiraya

Shirkii ugu danbeeyay ee ka dhacay magaalada Dhuusamareeb waxaa ka qeeybgalay Farmaajo iyo qaar ka mid ah maamul goboleedyada oo iyagu ah kuwa ka agdhaw dawladda. Shirkaas waxaa ka maqnaa maamulka Jubaland iyo Puntland, balse waqtigaan waxeey ku sugan yihiin magaalada Muqdisho si loo dhammeeyo khillaafka taagan.

Hadaba, tan iyo markii ay Ahmed Madoobe iyo Deni ay Muqdisho yimaadeen, waxaa jiray dad iyagu iska xannuunsan oo arrintii Dani iyo Ahmed Madoobe ay Muqdisho u yimaadeen rabba in ay waji  kalle ay u yeellaan.

Waxaana su’aal laga keenay sababta waddooyinka qaar loogu xiray Deni iyo Ahmed Madoobe. Dhinaca kalle, Muuse Suudi ayaa yiri,”Waxaan aragnaa heshiis ciddaan Hawiye aysan qeeyb ka aheen in uu meesha ka socdo, mana ugu darnaaneeno qof, Maxamed Ca/llaahi Farmaajo ayaana sammeenaya, Maxamed Ca/llaaahi Farmaajana dalkaan wannaag kama rabyo.”

Hadaba, Deni markii Muqdisho uu yimid wuxuu kullamo la yeeshay mucaaradka ka soo jeedo beesha Hawiye, wuxuuna sheegay in shirka la qaban doono laga soo qeeyb gelliyo saamileeda siyaasadda dalka. Mar haddii xaalku sidaa yahay in la yiraahdo Daarood kalliya ayaa shiraya waa arrin ayaan darro ah. Farmaajose soo ma’ahan ninka Puntland iyo Juabaland ay ka cabanyaan? Soo ma’ahan Farmaajo kan burburinaya Jubaland ee ciidanka ku daabulaya gobolka Gedo?

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top