Khasaare ka dhashay qarax lagu weeraray sarkaal ka tirsanaa….

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax barqanimadii maanta ka dhacay agagaarka isgoyska Fagax ee magaalada Muqdisho, sida ay dad goobjoogayaal ah u sheegeen daldoon.com

Qaraxa ayaa waxaa la sheegay in lala damacsanaa gaari Cabdi Bile oo ku socdaalayey waddada aada dhinaca xaafadda Jamhuuriya ee defmada Kaaraan.

Sida ay ogaatay bartilmaameedka qaraxa ayaa wuxuu ahaa sarkaal ka tirsan ciidamada milatariga Soomaaliya oo lagu magacaabo, Saney Cabdulle Gaab, kaas oo ay galbinayeen ciidamadu, waxaana la sheegay inuu ka bad-baaday qaraxaas, islamarkaana uu dhacay waxyar kadib markii uu gudbay gaarigii uu saarnaa.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in waxyeelada ugu badan ay soo gaartay dad shacab ah oo ka agdhowaan galkaasi.

Ugu yaraan illaa afar qof oo rayid ahaa ayaa lagu soo warramayaa inay ku dhaawacmeen qaraxaasi oo miino ahaa, sida ay inoo xaqiijiyeen ilo deegaanka ah.

Sidoo kale wuxuu burbur soo gaaray mootooyin nooca Bajaajta ah oo marayey wadada uu qaraxu ka dhacay.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan dhacdadaasi.

Al-Shabaab ayaa inta badan weeraro qaraxyo ah la beegsata ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee isaga kala gooshaya gudaha magaalada Muqdisho.

 

  

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top