Halka Uu Marayo Shirka Nabadaynta Beelaha Walaalaha Ah ee Siyaad Maxamuud

Shirka nabadaynta beelaha walaalaha ah ee siyaad maxamuud ayaa maanta la soo gabagabeeyay gar maqalka beel walba waxay ay ka tirsanayso beesha kale ee walaalkeed ah, iyadoo beesha jaamac siyaad ee shalay la dhagaystay ay soo gudbiyeen dhimashada 22 qof iyo 19 qof oo dhaawac loo geystay

Beesha siyaad maxamuud oo maanta la dhagaystay gar maqalkooda ayaa soo bandhigay 23 qof oo dhimasho ah 36 qof oo dhaawac ah iyo 3 gaadhi oo dhac ku maqan

maalinta berito ah ayaa la galayaa nasasho iyadoo qolo walba warbixin ka keenaysa waxyaalaha loo sheeganayo qolo walba shirkana wuxuu ku socdaa jawi degan.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top