Taliyihii ciidanka DANAB oo xilka laga qaaday, xili uu weli xabsi ku jiro iyo mid cusub oo la magacaabay

 Taliyihii guutada 16-aad ee kumandooska DANAB, Gaashaanle Ismaaciil Cabdimalik Maalin ayaa maanta si rasmi ah xilka looga qaaday, xili uu xiran yahay muddo ku siman labo bilood.

Taliyaha xilka laga qaaday ayaa hore loogu sameeyay shaqo joojin, iyada oo sida la fahamsan yahay xiligaasi loo xiray arrimo siyaasadeed, wuxuuna ku jiraa xabsi ku dhex yaalla wasaaradda difaaca.

Xariga Taliyaha ayaa waxa si weyn uga carooday Mareykanka oo wada-shaqeyn dhow kala dhaxeysay, iyadoo oo dhawaana ay soo baxayeen digniino ka dhan ah xariga taliyaha.

Waxaa taliyaha cusub ee ciidanka Kumaandooska DANAB loo magacaabay Gaashaanle Axmed Cabdilaahi Nuur (Beer-yare), oo horey xilal kala duwan uga soo qabtay Ciidanka Millateriga Soomaaliya.