Sacuudiga oo ku ceeboobay cod-bixin ka dhacday QM

Saudi Arabia ayaa Talaadadi ku guul-darreystay inuu xubin ka noqdo, Golaha Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay, hase yeeshee waxaa Golahan oo ka kooban 47 waddan ka mid noqday dalalka si aad ah ugu tuntay xuquuqda aadanaha oo ay ka mid yihiin Shiinaha iyo Ruushka.

Doorashada lagu soo xulay xubnaha cusub ee Guddiga Xuquuqda Aadanaha ee QM oo aheyd mid qarsoodi ah, ayaa waxaa shalay ka mid noqday dalalka Bolivia, Britain, China, Cuba, France, Gabon, Ivory Coast, Malawi, Mexico, Nepal, Pakistan, Russia, Senegal, Ukraine iyo Uzbekistan.

Dalkaas ayaa saddex sano mid ahaan doona Golaha, waxaana muddo xileedkooda uu u billaaban doonaa koowad bisha Jannaayo ee sannadka 2021.