James Swan oo war cusub kasoo saaray doorashada

 Xubno ka socda beesha caalamka oo uu hoggaaminayo Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay James Swan ayaa maanta gaaray magaalada Baydhaba ee gobolka Bay, waxayna halkaas ka sheegeen inay aad muhiim u tahay wada shaqeyn si buuxda u dhex marta dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah, si bey yirihadeen wadajir looga shaqeeyo danta guud ee Soomaalida.

“Waxaa dhiirri-gelinayaa dib u soo nooleynta wadahadalka u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo dhammaan Dowlad-goboleedyada Xubnaha ka ah Federaalka. Tani waxaa ka mid ahaa shirarkii isdaba joogga ahaa ee ka dhacay magaalada Dhuusomareeb bilihii la soo dhaafay iyo shirkii wadatashiga ee ka dhacay magaalada Muqdisho bishii Sebtember oo intii lagu guda jiray lagu gaaray heshiiskii nooca doorashooyinka”  waxaa sidaas yiri Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan.