Daldoon Ugu Kaalay Wararkii Ugu Danbeeyey logo telesom

(Dhagayso) Jabhadda Xoraynta Khaatumo Oo La Wareegtay Agabkii Kaar Qeybinta

Cinwaankan Nagala soo xidhiidh --- > daldoontv@gmail.com

Inta la hubo qalabkii hal goob oo ka tirsan degaanada Taleex ayaa laga fara maroojiyey hawlwadeenadii Komishanka iyadoo jabhada xoraynta degaanada khaatumo xaqiijiyeen la wareegida  qalab aan ilaa hadda la shaacin waxyaalaha uu ka koobanyahay.

Dhanka kale, degaanka Carrooley ee u dhexeeya Taleex iyo Laascaanood ayaa lagu soo waramayaa in jid gooyo loo galay gaadiidkii sidey qalabka iyo hawlwadeenada diiwaangelinta.  jabhadda xoraynta khaatumo oo la soo xidhiidhay shabakada daldoon ayaa xaqiijiyay inay hayaan oo soo bandhigi doonaan agab iyo kaarar ay qabteen

faysal falaalug oo shabakada daldoon la soo xidhiidhay ayaa ka warbixiyay khasaaraha ay geysteen iyo qorshahooda
Jabhadda xoraynta degaanada Sool Sanaag iyo cayn ayaa ka warbixisay hawlgalo ka dhan ah kaar qaadashada degaano ka tirsan gobolka sool gaar ahaan degaanada xudun iyo taleex

Faysal falaalug oo xidhiidh la soo sameeyay shabakada daldoon ayaa ka warbixiyay hawlgalo ay habeenimadii xalay ka fuliyeen degaanka dhubuq dhubuq oo ay ku qabqabteen shaqaalaha kaar qaadashada iyadoo xiligii hawl-galka socday uu dhaawac soo gaadhay xubnk komishinka somaliland

Faysal Falaalug ayaa gaadiidlayda oga digay inay kireeyaan wuxuuna balan qaaday inay la wareegi doonaan gawaadhida u shaqayso komishinka somaliland


 

 

 

 

Share This:

Fikradaha Akhristayaasha (0)




New Course: MYSQL (63 CASHAR)

Halkan ka daawo