Daldoon Ugu Kaalay Wararkii Ugu Danbeeyey logo telesom

C.xakiim Axmed Xirsi “Xawte” oo Kamida Qurba Joogta gobolka Sool oo Noqday Ninka u Waxqabadka badan

Cinwaankan Nagala soo xidhiidh --- > daldoontv@gmail.com

CabdiXakiim Axmed Xirsi “Xawte” ayaa si wayn loogu soo dhaweeyey deegaanka Burcadle oo horay loo odhan jiray Magacyada Dhubuq-Dhubuq iyo Sinu Jiif kagana beegan dhanka waqooyi bari 85 Km magaalada Laascaanood.

CabdiXakiim Axmed Xirsi waxaa uu ka mid yahay dadka qurba Joogta ah dalka dibadiisa ku nool , waa ganacsade balse qurba Joogta kale ayaa waxaa uu kaga duwan yahay isagu waxaa uu ka gaystaa dalkiisa inuu ka caawiyo horumarinta iyo kaalmaynta dadkiisa , Waxaa uu u dhisay sanadkii hore Dugsi sare oo ku yaalla deegaanka Carooley Dugsi sare oo wax ka bartaan boqolaal arday oo u badan dad dan yar ah .

Sidoo kale waxaa uu dugsi hoose dhexe oo qalabaysan uu ka hir geliyey deegaanka Burcadle,isaga oo dhagax dhigay dugsigaasi markii uu sanadkii hore dhisayey dugsigii Carooley .

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA IYO MUNAASIBADA  

Dadka ku dhaqan deegaankani ayaa si wayn u soo dhaweeyey CabdiXakiim Axmed Xirsi iyagoo uga mahad naqaya dugsigan uu ka hirgaliyay degaanka.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




New Course: MYSQL (63 CASHAR)

Halkan ka daawo