Daldoon Ugu Kaalay Wararkii Ugu Danbeeyey logo telesom

(Dhagayso) Gudoomiyaha Golaha Gobolada Sool Iyo Sanaag Oo Aan Ka Waraysanay Arimo Badan Oo Horey U Qarsoonaa

Cinwaankan Nagala soo xidhiidh --- > daldoontv@gmail.com

Waraysi Gaar ah Oo aan La Yeelanay Gudoomiyaha Gobolada Sool iyo Sanaag  Axmed Maxamed Cali Qodax(Axmed Raadsato Kuwait)

Waraysigiina Wuxuu U Dhacay Sidan….

1.Daldoon: Maxay Tahay Ujeedooyinka Loo Aasaasay  Sool Iyo Sanaag Wax Ma Nooga Sheegi Kartaa.

Ahmed: Waxaanu u aasaasnay Dadka Dhulbahante ee Labadaas Gobol Degani Waxaa Ku Badan Khilaaf iyo Is Eegasho Dhexdooda ah  iyo in Badan oo Ka Mid ah aanay u Muuqan  Dhibaatada  ay Ku Hayso Haysashada  Soomaalind oo Ka Faa,iidaysatay  Qaybsanaantooda.

Gaar ahaan in Badan oo Ka Mid ah Ragii u Kacay Gobolka Sool oo Noqday Wado Loo Soo Maro Dhulbahante in Qabiilooyin Kale Ku Habsadaan Dhulkoodii, Magaalooyinkoodii, Shacabkoodii Maatadoodii, Siyaasadoodii  Aanna  odhan  oran Karo Maanta  Magac Xumada SSC  Ku Dhacday Iyo in Reero  Kale  Guryahoodii  Ku Dul Maamulaan  Waxaa Saldhig u ah inta Badan Ragga  Ssc Gaar ahaan Ragga Reer Sool.

Dib  u Raac Taariikhda Ka Soo Bilow  Qabsashada  Laascaanood  Yaa Ku Soo Hogaamiyey Laascaanood  Snm? Yaase Masuuliyiin Sar Sare Ka ahaa Puntland oo Hargaysa Ka Qabsatay Magaalada  Laascaanood Maxaa Keenay inay Ku Mintidi Waayaan Sidii ay u Soo Celin Lahaayeen.

Eega Isku Dayadii  Shacabku Raadiyeen in Lagu Soo Celiyo Gobolkaas Dhamaan Waxaa Afduubay oo Majaro  Habaabiyey  Rabitaankii  Shacabka  Dhulbahante  inta Badan Rag u Dhashay Gobolka  Sool Xataa Ciidamada Soomaalilnd ay Qoroto Gaar ahaan Saraakiisha  Waxay Ku Xulataa  Reer  Laascaanood Ma Ka Soo  Jeedaa ( Yaab ).

Ugu Dambayn Yaa Khaatumo Keenay oo Shacabka Dhulbahante u Been Guuray Kana iibshay Mashruuc ay Fejerkiisa ama Curuntiisa iyo Maal Gelintiisaba Lahayd Soomaalilnd ama Ex Jabahdii Snm aan iraahdo Sababtoo ah G1 iyo Ilma  Jii  Waxay Ka Mid ahaayeen Aasaasayaashii SNM.

Dhismaha Khaatumo Qorshihiisuba Wuxuu ahaa

A. In Hartiga Colaad La Dhex Dhigo Hadii ay  Suurta Geli Waydo in Dhulbahantaha La Dhex Dhigo  Runtiina Waxaa Suurta Gashay in Dhulbahante REER Sool Beelo Ka Mid ah Laga Helo Fursadaas   *Welina Taagan*

B. In Dhaqaalaha  Ku Jira  Gacanta Shacabka  SSC  La Bur Buriyo  Gacantana Lagaga Dhigo Dibna aanay Isu Aaminin. *Wayna Dhacday *

C. In Laga Dillo Shacabka Dhulbahante  lagana Soo Xidho Albaab Kastoo Soomaali iyo Dhalashoba Loogu Soo Gurman Karo Mustaqbalka isla Markaana Malaayiinta Laga Helayna Ku Dhacdo    G1 G2 G6 G0. D.

In La Kala Dilo  Shacabka Dhulbahante iyo Madax Dhaqameedkooda Sida  Isimada, Cuqaasha iyo Rag Garboodkii Kala Talin Jiray isku Xidhnaanta  Beesha Dhexdeeda iyo Iskaashiga Walaalahooda Kale ee Dhulbahante, iyadoo  inta Badan Lagu Guulaystay oo Qof Kastoo Yidhaahda  Wadadii  Jahanabadaan  Haynaa ee Aan Ka Joogno  Lagu Dhufto  Shaabad  Cas oo ah Khaatumo DIID Inta Badan Ragaasi Waxay Ka Soo Jeedeen  Gobolka Sool Kuwa Hada Isa sii Khayaaneeyey oo Hargaysa u Kala Dheereeyeyna Waa Reer  Sool intooda  Badan Waxayna  La Kala Baxeen Khaatumada  Xeraynta oo Hargeysaanu Idinku Soo Xeraynay Xerayn Waxay ahayd Markii Hore Xorayn,

Qolada Ka Habsaantay  Kuwaa Hore  Waa Raacdo  Reeb  Waxaana  Sidaan Dareemayo  Isla  In Kooban oo Labada Dhinac ah Balse  Shacabka  Dhulbahante oo u Badan Dad Aan Meel Dheer  Wax Ka Eegin  Waxaa Loogu Sheegay inay Yihiin Kooxda  Hadhay  BADBAADO KHAATUMO  Mana  Waa Baabi,in  Cid Kastoo  Isku  Day  Lagu Saxaayo  Wixii Dhulbahante  Ka Xumaaday iyo Dhibaatooyinkii  KHAYAANO IYO G1 IYO G0  u Geysteen in La Dhayo  Boogihii.

2.  Waa Maxay Sababta Aad Sida Gaarka ah Gobolada Sool iyo Sanaag U Saaraysaan Culayska? JAWAAB. Guud ahaan Shacabka Labadaan  Gobol Waxay u Baahan  Yihiin Shaqo  Culus  Gaar ahaan Gobolka  Sool in Marka  Hore  La Soo Celiyo Kalsoonidii  Walaalinimada  iyo Dadnimada iyo  Darxumada iyo Taariikh Xumada  Haysata Dalkoodii iyo Dadkoodii.

Kadibna Looga Gudbo In ay Waxay Wada Leeyihiin Wada  Qabasadaan iyagoo isku Mid ah Cidii Wax La Lehna La Garabsanaaya

Daldoon:. Khaatumo  Maxaad Hore uga Aaminsanayd  Hadase Sideed u aragtaan  Heshiiska  SOMALILAND IYO KOOXDA KHAATUMO

Ahmed: Wadadaas  Cad ee ay Caliyo  Cagta  u Saareen ee ah Xeraynta in SSC Soomaali Bay Ka Hadhi Waayeen Si Liidata  Loo Soo Xereeyo  Loona adeegsado Cidii u Nugul Fulintaas. Qaybtii  Labaad ee Waraysiga Gudoomiyaha Sool iyo Sanaag.

Daldoon: Kulan Dhawaan  Hargaysa Ku Dhexmaray  Kooxdii Cali Khaliif Hogaaminaayey iyo Xubno Ka Soo Jeeda  Ssc  oo Xilal Ka Haya  Somaliland aad Buu uga Cadhooday  Hogaamiyaha Kooxda  Khaatumo

Ahmed: Wixii uu Yeeli Lahaa Nin Sanad  Dushiisa  Isaaq  Lagula Gor Gortamaayey Bay Yeeleen Baan Is Leeyahay Nimankaasi Yidhi Galayr Bixi Shaadhka  KHAATUMO annagu  Ciyaarta  Waa Kula  Garanaynaaye  Mar Hadaan Hargeysa  Wada  Joogno aan Wada Gashano Shaadhka  Soomaalind oo aanuba  isu Arag  Mudo  Dheer inaanu  Gashaynayn  Shaadhkaas  Wax Weyna  Kumaba  aanu  Helina.

Taasuna ay Ku adkaatay  Galayr iyo Kooxdiisa  ayaan u arkaa  inkastoo uu Ka Gil Gishay  inuusan  Albaabada Ka Xidhan Hadana Kuwaasi Waxay u Haysteen  Marag Ma Doonto  Baan Is Leeyahay  Sanad Dushooda Lagu  Shaxaayey  inkastoo  ay Ka Mid Tahay  Ciyaaraha Beesha Ku Abtirsata Snm  Kula  Cayaarto Beelaha  Waqooyiga  ay Wada  Degaan. Metelan Kooxda Caliyo  iyo Soomalilnd inta Muuqatay Muddo Sanad ah Bay Wadahadal Kula  Jireen  Beesha isaaq Waxayna  Shuruud adag Kaga Dhigeen  Siyaasiyiinta Isaaqu  inaysan  Soo Kaxaysan  Kuwa Hada  Xilka

Idiin  Haya ee Aan isaaqa  ahayn iska Daa Harti Waqooyiye Xataa Haduu Sabaroon iyo  Ciise  Yahay Ma Hor Fadhiisanayno  Kuwo Ssc ahnaba  Intaanaan  Hargaysa imaan  inay Sii Dhintaan Baaba  Fiicnaan  Lahayd Waa Sidii ay Jeclaayeen  G1 IYO GO.

Daldoon: Ugu Dambayn Gudoomiye   Sideed u aragtaa Puntland   iyo Waxa Kaga aadan  SSC ??

Ahmed: KKKKK Adeer Waad iga Qoslisay  Marka  Hore Puntland Dadkii  Dhistay  Gacantooda  Way Ka Baxday  Waxayna  Gacan  Gashay  Siyaasiyiin Ah Budhcad  Badeed  Oo aan annigu u Aqaan Budhcad  Dadeed  iyo Budhcad Dhuleed Marka Hore  Waa Budhcad Dhuleed  oo Goboladii Lagu Dhisay Badh Baa Maqan, Marka Xiga  Dhirtii  Qoyanayd ee Gobolada  Puntland Geed  Kama  Taagna Maxaa Abaarta Ugu  Wacan  Goboladii Puntland Lagu Aasaasay  Gebi ahaanba  Dhirtaas Qoyan

Waxay Ka Dhooftay  Xeebaha  Puntland  Waxaana  Cashuur  Ka Urursada  Budhcad Maamuleedka Dhuleedka Puntland. Tan Kale Waa Budhcad Dadeed Madaxda Soo Martaa  Puntland oo Mays  Waydiiyaan  Horta  Tirakoobka  Shacabkii  Reer Puntland  imisuu  ahaa Maantase  Waa intee  Seebuuse  u Kala  Dhintay Badh Soomaalind Baa Xoog Kaga Qaaday.

Badh  Badaha Puntland Baa Laga  Dhoofiyaa Oo Mangafe ayaa  Loo iib Geeyaa  Badhna  Madaxaa Laga  Toogtaa  Hal Doorkoodii  Cid Dishayna  Lama Yaqaan  Markhaatina Wixii Ka Dhacay Togii Afure  Waad ogayd  Dadka  Qaar Waxay aaminsan  Yihiin in  uu ahaa Mashruuc  Lagu Qaatay Dhaqaalo  Badan in Wiilashaas  La  Laayo oo Markii  Horeba  aan ku imaan Meesha  Qaab Maamule Loogu Yeedhay  Tolayeey  Gurmad Keena Beelaha Puntland U Dhashay

Hadaad Tihiin  Maamulka Puntland  Ciidan Ma Haystee  oo Markii  Keeneen  Wiilashiina  Dib Maamulku uga  Gatay Kuwii  Laayey unna  Sahlay  Qaabkii  Loo  Gumaaday  Shacabkaas. Ugu Dambayn Haybadii iyo Sharaftii Puntland Lahayd Waxay Luntay  Markii Ilaahay Haw Naxariistee uu Xamar La Aaday Cabdulaahi Yuusuf.

Waxaana Gabalku u Sii  Dhacay Markii  Wiilal Galbeed Ka Yimi Barqacad Kala Wareegeen Xaruntii ugu  Weyneed ee u Ahayd  Galbeedka Puntland ee Laascaanood oo aan odhan  Karo  Dhibka ay u Keentay Qabsashada  Laascaanood  REER SSC  Waxaaba  Ka Sii Culays  Weyn  ama Ka Sii Dhaawac  Xun Puntland oo uu Lumay  Maqaamkii Siyaasadeed iyo awoowdeed ee Ku Dhex Lahayd Bariga Afrika Iyo  Soomaalida  Dhexdeeda,

Xataa aan oran Karo  Waxaa Lumay Miisaan Beeleedkii ay Lahayd  Beesha ugu  Tunka  Beelaha Harti  oo iyaguna  Ku Kaltama  Xukunka  uu ntland oo ay Cid Kasta ay Soo Gaadhay  Khasaaraheedii.

Share This:

Fikradaha Akhristayaasha (0)




New Course: MYSQL (63 CASHAR)

Halkan ka daawo