Daldoon Ugu Kaalay Wararkii Ugu Danbeeyey logo telesom

Warbixin Halis Ah Akhri Oo Waxbadan Ogow (Xorayn Ma Wadnee Xalaalayn Baanu Wadnaa !!!!!!

Cinwaankan Nagala soo xidhiidh --- > daldoontv@gmail.com

Hordhac

Waxa nasiibdarro ah markii dhawr sano ka hor aqoonyahankii NSUM ku bahoobey soo jeediyey xorayn ha loo hawlgalo ka dibna shir wadatashi dhulkii ha ka dhaca. Waxa dagaalkii u horreeyey kala horyimi waayeelka maanta raba in uu gabbaati iskaga bixiyo geel uusan weligiis u sahamin, naqraacin, ceel ka fulin, bahalna ka soo xerayn. Taas oo macneheedu ahaa aniga ayaa qabsashadiisa ka taliyey e sidaad xoryantiisa u soo qaadaan. Waxan u xusayaa oo aan ogaysiinayaa qolyaha saaran doonyaha aanay ogayn meel y u socdaan berrina badweyn kula caaryi doona.

Maqaalkan waxan haddii alle idmo ku guudmarayaa afar arrimood oo beryahan maqalkoodu dhegeheena ku batay, isla markaana u muuqda in ay dhamaan yihiin qaybo ka mid ah mashruuc weyn oo in badan laga shaqeeyey, dad badan oo soomajeestayaal ahna loo hawl geliyey.

Tan kowaad waxaynu dib ugu eegi shirkii London iyo sida uu ugu xidhmayo shirka la rabo in uu gudihii ka dhaco (Taleex) haddii Eebbe raali ka noqdo iyo waxa rag rabo in ay uga soo baxaan.

Tan labaad waxa in badan qolyaha warbaahinta dadka qaar u yaqaan laakiin la odhan karo qayb weyn oo ka mid ah magaca ku habooni waa Warxungey ay iskula wareegayeen magacyo ay samaysteen oo wayeelk beesha qaar (Isimada) lagu caayo marka dantii gaarka ahayd oo lagu deyey cidda ay u shaqeeyaan (الاب الروحي) uu ka fushan kari waayey.

Tan saddexaadna waxan ku xusayaa cajalada wareegaysa oo ay sidaan dad loo xilsaaray in ay dadka ugu sheekeeyaan xalkeenu wuxu ku jiraa maamul e aan maamul dhisano, qofkii kelmad ka soo celiyaana, sideena ha noqotee waa xujoobey.

Tan ugu dambaysana waxaynu ku eegi sida labada maamul oo hereeraha inaka xiga midna aan cay iyo colaad midna looga tudhin (Puntland), kan kalena (soomaalidiidka) loo leeyahay waanu la hadlaynaa, gogosha nabadda shardi la’aan baanu tegeynaa, nabad iyo deris wanaag baanu ula diyaar nahay, hoos hoosna loola shirayo. Shardiga keliya oo lagu xidhayna yahay aanu ergadayada anagu soo xulano. Laakiin waxa u baahan in hoosta laga xarriqo waxa weeye: hadaad wada hadal diyaar u taahay, isla markaana baryo ugu jirti in aan ergadaada laguu xulin, dee waxay ila tahay madasha cuntada la keenayo uun baa ka qaybgalkeedu kuu furan yahay, haddaan sida eyga dabool daldaloola oo dibadyaal ah ama digaxaadh wax laguu saarin.

Shirarka London ilaa Taleex. 

Aan dib idiin xasuusiyee shirkii London liis fakaday oo qof ibnu xalaal ahi fakiyey baa markii u horraysey tuhun dhawr bilood jirey banaanka soo dhigay. Waxa markaa khasab noqotay in shirkii yaraa oo dadka gaarka ah loo xushay oo la rabey in Hotel london ku yaal si qarsoodi ah lagu qabto wax aynaan ogayna lagaga dhawaaqo uu noqod “Public” illaa lays ogaaye. Waxa kashifkaas ka dib lagu balamay in dad aqoonyahan ah oo aan ka badnayn 35-40 isku arkaan, meeshuna noqoto london oo qoladii warqaddu ka fakatay ku adkaysatay taageero ay ku ogayd

darteed. Laakiin markaan dembiga iska dhawro aqoonyahankii koobnaa wuxu isu rogey dad 120-150 tiradoodu gaadhayso oo 85% la odhan karo dugsi sare wax ka badan ma haysan, qayb weyn oo ka mid ihina dugsiba ma arag. Aqoonyahankii madasha yimi waxay gaashanka u daruureen in go’aamo ka soo baxaan shirkii Lonodn, waxayna ku adkaysteen oo qoladii waxa gaara wadatey ku khasbeen in shir wada tashi oo loo dhan yahay dalka gudihiisa laysugu tago.

Tusaale haddaan idinka siiyo dadkii yimi waxa jirey waqti loo qoondeeyey qayb ka mid ah aqoonyahankii shirka yimi oo iyagu isku wax ku takhasusay in ay shir u gaar ah galaan. Aqoonyahanka markaas la rabey in ay gaar u shiraan ma ahayn dhakhaaatiir caafimaad, laakiin aan tusaalaha iyaga ku muujino. Waxay ahayd in ay dhakhaatiirtaasi dhibaatooyinka aqoontooda la xidhiidha keligood ka wada hadlaan. Khubarada shirka joogtey oo markaas la rabey in ay shiraan wax ahaayeen 7 xubnood, waxayna ahayd in laga tago oo keligood madasha loo baneeyo. Laakiin dadkii markuu ka baxay waxa madashii ku soo hadhay oo kici waayey dad 25-30 lagu qiyaasay.

Waxa khubaradii codsadeen in madasha loo baneeyo, laakiin dadkii ku hadhay dad kas iyo ula kac meesha ugu hadhay bay noqdeen. Nin ka mid ah khubaradii todobada ahaa ayaa qofkii

xaggiisa ugu soo xigey ee ka mid ahaa shacabkii wuxu yiri war adigu ma dhakhtar baad tahay? Qofkii suaasha la waydiiyey wuxu ku jawaabey, maya laakiin caafimadka ayaan wax badan ka aqaan. Wax ma nooga sheegi kartaa aqoonta aad u leedahay, ayuu ku celiyey?. Haa, awowgay ayaa in badan bukijirey intii aanu dhiman ka hor, marka isaga ayaan habeenkii la joogijirey Cusbitaal oo halkaas ayay aqoontayda dheeri ka soo jeedaa, waayo wax kasta oo loo qabanjirey waan u fiirsan jirey fahmo badana waan leeyahay. 

Ninkii khabiirka ahaa isaga oo taa la yaabban oo qaba in ninkii u dambeeyey oo uu la hadlay wax u dhiman yihiin, ayuu gabadh isaga ku sii xigtey u gudbey oo yiri: Adeer adiguna ma sidaas oo kale ayaad khabiir caafimad u tahay? Waxay tiri haa, aniga laftayda aabahay baa nin kaaliya caafimaad ah ay 20 sano isku xafiis ahaayeen oo halkaas ayaan aqoonta aan u leeyahay caafimaadka ka helay.

Tani waa tusaale gaaban oo inkasta oo aan takhasusku caafimaad ahayn, hadana sidaas si aad ugu eg bay u dhacday, dad waashayna ma ahayn e waxay ahaayeen dad loogu talo galay in ay ka hortagaan in wax ay u tahay toona xal loo helo, si gaar ahna diirradda lo saaro in aan khubaradaasi kulmin.

Sida muuqata Shirkan guduhu wuxu ahaa haddii lagu khasbo “Plan C”. “Plan A” waxa ahaa shirkii qarsoodiga ahaa oo 25 horgalka u badan loo xushay oo liiskiisu fakaday. B  waxa ahaa haddii taasu fashilanto in shir dibadda lagu qabto, weliba meel taageerayaasha la aragtida ahina ku badan yihiin. Taana Lonodn lagama helin, waxaana lagu khasbay shir gudihii ka dhaca.

Waxa marka lagu talo galay: lixda oday (G6) oo marka ay sida “dargon ball”ka carruurtu daawato “fusion” sameeyaan hal oday noqda, 15 gudaha oo aan filayo in ay iyaga qudhoodu haddii “Pokemon games” lagu metelo mid qudhihi “evolution” ka sameeyo iyo 9 wise men oo u muuqda in “IQ Test” la soo mariyey oo lagu xulay, in ay ergooyinka beelaha dhulbahante u soo xulaan. Ka dibna 6+15+9+ergooyinkii ay xuleen oo badidoodu is ogi waxay doonaan ama laga rabo soo saaraan, shacabka dhegweynta ahna la yiraahdo ergooyinkii aad soo xulateen baa sidaas isku raacay.

Xalaasha iyo xaaraanta Isimada lagu kala sheego

Maamulka soomaalidiidka ee naf-lacaariga ah waxa ka muuqata in ay ku guulaysteen in ay dabaqad kasta oo ka mid ah shacabka SSC cid ka helaan (Wadaado, Waayeel, Aqoonyahan, Saraakiil iwm), laakiin waxa tab kasta oo ay la yimaadaan gaashaanka u daruuray 90% Isimada beesha oo ku noqday laf dhuun gashay. Waxa markaa la dejey mashruuc ku salaysan in la caayo oo sharafta iyo karaamda laga dilo oo dadka la nacsiiyo, laguna qanciyo in ay yihiin niman shacabkoodii ka danaystey oo Puntland u shaqeeya.

Waxan odhan laha, yaan la ilaawin in beel walba cidda ay doorataa u taliso ama Isim ha noqdo ama Caaqil ha noqdo ama siyaasi ha noqdee. Tan kale, maanta cidda kaliya ee la doortay oo aynu ognahay waa Isimada haddii cidi soo raacdona waxa soo raaca caaqilada. Isimka iyo caaqilkana kan hore ayaa sarreeya sidii nidaamku ahaan jirey. Marka inta laga helayo talo midaysan iyo siyaasiyiin daacad ah oo midnimo lagu doortay, dalka iyo dadka waxa ka masuul ah Isimada, caaqilada iyo cidii kale oo ay iyagu kalsooni ku igmadaan, ergada xulideedana shacabku iyaga ayuu ku ogyahay.

Midna ha la xasuusnaado: War qolada Isimada caayaysa oo xaaraanta iyo in ay maxjar ku jiraan ku sheegaysa waa qoladii guryohooda ka soo saartay oo soomaalidiidka ku soo hoggaamaisey. Waana u gaadhey in ay weliba ku tiiqtiiqsadaan. 

Maamul loo dhiso gobolada SSC

Dad baa waxay daasado u tumayaan oo dadka ku khaldayaan maamul baynu dhisanaynaa oo dhibka oo dhan xal u noqonaya. Waa fiican tahay in aynu maamul dhisano, laakiin waxa fiican in laysla fahmo in aan maamul dhisku ahayn dugsi hoose oo tuulo laga dhisayo ama waraaq been ah oo marba meel lala tago oo lagu dewersado.

Aan isla fahamnee marka u horraysa maamul degmo qudhana ha noqdee maxaa dhiskiisu u baahna yahay? Maamul inkastaba ha le’ekaadee laba wax baa horta aasaas u ah:

  • Dhul oo ah inta maamulkaasi ka talin doono.
  • Shacab oo ah kan maamulkaasi u talin doono.

Labadaas oo midaysan marka la helo saddexeeya madaxda loo doorto in ay mamulka ka taliyaan iyo shaqaalaha ka hooseeya oo hawlaha fulinaya (ciidan, cashuuraha, waxbarasho, cafimad iyo adeegyada kale ee bulshada) iyo xeerka dadka degaanka maamulku xukumo ku nool kala haga una xaqsoora.

Hadaba aan idin xasuusiyee anigu waxan qabaa in dhulkii mamulka loo samayn lahaa qayb weyn oo ka mid ah soomaalidiidku xoog ku haysto, dhul la’aana maamul lama samayn karo (in dhulka la xoreeyo oo la mideeyo baa ka horraysa). Sidaa darteed riyo kasta oo maamul lagu riyoodo waxa ka horraysa in dhulka colka ku soo duuley laga xoreeyo. Laakiin qolada riwaayadan wadda oo xummada maamulka dadka ku saydhinaysa mashruucooda kuma jirto wax xorayn la yiraahdaa. 

Qodobka labaad oo samayska maamul lagama maarmaanka u ahi waa shacabka maamulka hoos imanaya ama raciyada u noqonaya. Runta haddaynaan ka warwareegayn waxa dhulkeena loo qabsaday colka inaga ayaa soo hogaaminey shacabkeenii baana iniba meel u jeedaa. Marka riyada mamulka ee dumarka iyo carruurta lagu khaldayo oo beesdaha laga guranayo waxa ka horraysa in la heshiiyo oo talo midaysan iyo tol wada socda la helo. Laakiin taasi ma muuqata falankeeda laguma jiro e xaqiiqdu waxa weeye ninkii colka keenay oo dhulka u gacan geliyey ayaa iminkana ruwaayadda maamulka aan dal iyo dad toona lo hayn wada, waase loo jeedaa. Wuxuna ka dhigan yahay nin maydkii uu diley aaskiisii raacay oo weliba isaga oo ooyaya ehelkisii istuay, bal munaafaqnimadaas miisaan saara.

Labada maamul

Tan labada maamul haddaynu eegno, ma odhanayo midbaa wanaagsan laakiin waxan odhan karaa midbaa aad u xun.

Bal ku dheeraan maayee inta sheydaanka iska naartaan, idinka oo deggan caqligiina la kaashada:

  • Kan bariga xiga midnimada Soomaaliya ayuu ogol yahay oo ma go’ayo insha allaah (ii) Calankii aynu niqiin qof ka weyn iyo mid ku hoos dhashayba, ayaa xitaa mid gobol hadday samaysteen barbar sudhan (iii) Soomaaliyi inta ay qabiil tahay waa ku khasbanahay oo tol baynu nahay oo qolada inoo gacan haadaynasaa waa qabiil, marka aniguna aan isbahaysto oo qabiil ku socdo, adiguna laan geed aan la aqoon laga soo jaray ii noqo waa cay (iv) Puntland wax baynu ka dhisnay oo talo beeleed baynu ku galay (v) Kan galbeedku waa inagu soo duuley oo dhulkeenii buu xoog ku haystaa, dadkeenii buu laayey, xidhxidhay, barakiciyey, cabudhiyey. Qofkii raba in uu cadaawadiisa arkona karmaha iyo buuraha laascaanood ku hareereyasan dushooda ha ka eego (vi) Kan Puntland shacabkiisu hiil iyo hooba waa inoo la diyaar, kan soomaalidiidkana wadaado ku sheegooda iyo hogaan dhaqameedkoodu marka ay qayilaan waxa afkooda ka baxa markhaati baad ka tihiin.

Gebagebo

Xorayn ma wadnee xalaalayn baanu wadnaa, waa jawabta runta ah oo ku qarsoon hadalka aynu maqalay. War odayga laga dhegaysty warbaahinta ee yiri: dagaal ma wadno diyaarna uma nihin oo dadka qaar ka anfariirey, yaan laga didin. Farriintu inaga ina kuma socoto e waxay ku socotaa meel inaka shishaysa oo yare welwelsan. Qoladaas ayaa la leeyahay (Hayga biqin). Laakiin waxa alle ku sahley, taa awelba waynu ogayn, oo cidina curyaamis mooyee ciidamis ugama fadhiyin. Waxan kale oo dhawr jeer maqlay madal laga leeyahay war haddii tol la yahay odayga marada ha lagu celiyo inta nin waayeel la moodayey maryaha dhigtay. War dadku intuu xishoon karayey xishoo, intuu dul qaadan karayeyna dul qaadey. Hadda wixii ka dambeeya oday marada gole ku dhigtay oo dambe lagu celinmaayee waa in cid kala cararta loo diyaariyaa. 

Meel kale haddaynu ka eegno, Soomaalidu markii ay bixisay murtida leh: Nin buka boqol u tali, waxay ka wadey haddii dhibaato timaado oo arrini ribbato Wabar iyo Wanba talada waa soo fadhiistaan. Mana filayo in looga jeedey in xal sidaas lagu helo e waxy ahayd digiin leh war xilliga dhibta cid waliba in ay taliso bay isku deyi e iska jira. Maanta murtidaasi dhanka kale ayay isu rogtey oo xaalku waa: Nin bukaa boqol u tali. Marka innaga gaar laynoo eegona waxay noqon lahayd, Nin bukaa Beel u tali ama isku day in uu u taliyo.

Sida dhabtu tahay waxa la wadaa oo shirarka laga damacsan yahay, Isimada loo caayayaa oo in talada laga maroorsado loogu hawlan yahay, Puntland iyo Soomalidiidka isku kefad makasta loogu saarayaa. Isla markana waxa oo dhami ku soo aroorayaan in dhibatadeena oo dhan xalkeedu ku jiro oo keliya in maamul la dhiso, iyada oo aan xoryan iyo midnimo oo beryo lagu qadhaabtay midna la hadal hayan. Waa in dadka iyo dalkaba inta gacantooda ku jirta loo xalaaleeyo soomaalidiidka, inta ka maqana Puntland (cadowga kowaad) laga soo jaro oo laga daba geeyo.

Waxa iyana socota oo mashruuca ka mid ah Maqadindoon iyo Gagiroor ciidanka ay Buuhoodle ka qoranayaan, waa fur fur, hoodado, kala daadin iyo iska horkeen Buuhoodle iyo Taleex mid uun ka dhaca. Runtuna waxa weeye xamar ciidan iigama baahna e dhulkayga ayaa iiga baahan “charity begins at home”. Tan kale, haddiiba magaca beesha lagu soo dewersadey saw ma ahayn in gobolba 333 la siiyo kunka askari ee la sheegay? Sidee nimankii madaxa dadka oo dhan sheeganayey xaalku ka noqday?.

Mida kale hadaad u fiirsataan beelaha ololaha xoogga leh ku jira oo inta ay tiro le’eg yihiin u kacay oo aan hal qof oo mucaarad ah lahayni, gaar ahaan wadamda dibbadda sida Ingiriiska si shirka gudaha wixii laga rabey uga soo baxaan, markii kii London laga waayey waa beelo aynu meel ku ognahay, waana kuwii colka keenay.

Hadal iyo gun shir waa rabnaa waa tageersanahay, laakiin mid go’ankiisi jeebka lagu sito ma rabno. Waxanu rabnaa mid beeshu ku tashato waxay dan moodana kaga dhawaaqdo oo ay kow ka yihiin (xoraynta dhulka iyo midnimada Soomaaliya in ay muqadas tahay oo aan calanka qabuuraha iyo riyada qabiilku muqadas ahayn).

Waxaana suaal furan ah, war aniga oo gurigaygii col lagu soo hogaamiyey oo qaxoonti ka ah iyo ninkii colka keenay oo maalin walba albaabkii gurayga u kaadi tagaa, maamul ma wada dhisan karnaa? Miyaanay ka horrayn in aanu heshiino oo colaadaas ka heshiino, ka dibna dhulka la xoreeyo? Mise xaalku waa tii maxkamadda xabashida laga sheegijirey oo marba ninkii qaylo iyo hadal iyo cay bata baa gar leh?

Wuxu hadalba ku xidhan yahay: kaadi-casadii la arag biyona lama hayo. 

Dr. Abdullahi Hassan Mohamud (Abdullahi Spanish).

 

Fikradaha Akhristayaasha (0)




New Course: MYSQL (63 CASHAR)

Halkan ka daawo