Daldoon Ugu Kaalay Wararkii Ugu Danbeeyey logo telesom

Daawo: Dhacdadii ugu, Naxdinta Badnayd oo Muqdisho Kadhacday & Sagootintii Aakhiro

Cinwaankan Nagala soo xidhiidh --- > daldoontv@gmail.com

Dhacdadii ugu, Naxdinta Badnayd oo Muqdisho Kadhacday & Sagootintii Aakhiro

Waxaa ay ahaayeen gabdho agoonimo lagu soo koriyay kuwaas oo hada uun la jaan qaaday carafta aduunka , waa xiligii ay hooyadood sugeysay miriha ubixii ay kalinimada kusoo korisay.

Qoyskaan waxaa uu ka koobnaa 4 qofood sadex gabdhood iyo hal wiil waana Iimaan, Ifraax, Iftin iyo Saadaq, hooyada qoyskaan waxaa la yiraahdaa Sahro taas oo sawiradda hoosana qeyb ka ah.

HALKAN KADAAWO VIDEO

Iimaan, Ifraax iyo Iftin ayaa shalay oo aheyd 14-ka July 2017 waxa ay goobta lagu nasto ee Pizza House ka codsatay iney u raacaan gabar xaamilo aheyd oo ay daris ahaayeen taas oo sida la ii sheegay safar u aheyd dibadda “ Fadlan saaxibayaal isagootiya oo aan soo wada galno sawiro xasuus ah “ ayuu ahaa balanka saddexda gabdhood ee walaalaha ah iyo saaxibtood sida ay ii sheegtay Xamda oo ay isla soo koreen gabdhaha xaqdarada lagu dilay.

Share This:

Fikradaha Akhristayaasha (0)




New Course: MYSQL (63 CASHAR)

Halkan ka daawo