Daldoon Ugu Kaalay Wararkii Ugu Danbeeyey logo telesom

Baaq Nabadeed Oo Ku Socda Walaalaha Wada Dega Adhicadeeye

ﺍﻟﺤﻤﺪ ﻟﻠﻪ ﺭﺏ ﺍﻟﻌﺎﻟﻤﻴﻦ و ﺍﻟﺼﻠﺎﺕ ﻭﺍﻟﺴﻠﺎﻡ ﻋﻠى ﺭﺳﻮﻝ ﺍﻟﻠﻪ ﺻﻠﺎ ﺍﻟﻠﻪ ﻋﻠﻴﻪ و ﺳﻠﻢ ﻭﺑﻌﺪ

KU: SHACABKA DEGMADA
ADHICADEEYE GOBOLKA SOOL

OG: CIDDA AY KHUSAYSO MEELKASTA OO AY JOOGAAN

OG: JAALIYADAHA KA SOO JEEFA DEGMADA ADHICADEEYE

UJEEDO BAAQ NABADEED
1: Kadib markii ay Ragga  Jaaliyadda Beesha Cilmi Naalleeye ee dalka Ingiriiska degani shir aan caadi ahayn isugu yimaaddeen markay taariikhdu ahayd :13/06/2017 shirkaas oo lagu qabtay magaaladda London.

2:Ka dib markii ay wax iska waydiiyeen iskana waraysteen xaalada wadankii iyo shilalka isdaba joogga ah ee aan loo baahnayn ee talo xumada ku dhacaya soona noqnoqday wallaalaha Reer Adhicaddeeye dhexdooda, shilalkaas oo uu ugu danbeeyey shilkii dhacay 04/06/2017kii oo keeney khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

3:Markii ay u caddaatay inay shilalkaas iyo dilalkaasi xaqiiq ahaan yihiin kuwo aan laga tashan lagana fiirsan faa’iidona aanay ku jirin, balse ay fuliyaan shaydaammo jini iyo insiba ihi.

4: Markii ay heleen xog sax ah oo ay u sheegeen odayaashii iyo wax garadkii Degmada Adhicaddeeye ayna u caddaatay xaqiiqda jirta iyo sida ay dhacdadii u dambeysey ee lama filaanka ahayd u timid.

BEYAAMIN
Waxaannu Tacsi Tiiraanyo lehvu diraynaa qoysaskii iyo eheladii ay ka geeriyoodeen marxuumiintii ku naf waayey dhacdadaas naxdinta iyo murugada lahayd ee 04/06/2017 Degmada Adhicaddeeye ka dhacday.

Waxa aanu duco u diraynaa dhammaan Ragii uu dhaawacu ka soo gaadhay, Waxaannu ALLAAH u waydiinaynaa inuu u boogo dhayo caafimaad taam ah iyo samirna ka siiyo waxyeellada soo gaadhay.

Waxaanu guud ahaan dadka ay warqadani sida tooska ah ugu socoto ogaysiinaynaa una caddaynaynaa in aanay jirin cid raali ka ah dhibaato deegaanka iyo dadk wada dhashay ee nabadda ku wada nool ka dhex dhacda.

Jaaliyadaha Cilmi Naalleeye guud ahaan way ka xunyihiin wixii dhacay, waxayna guud ahaan Beeshu go’aansatay inaan gudo iyo debedba ka shaqeeyaan sidii aanay dhibaato dambe u dhacdeen.

Waxaanu uga digaynaa inaanay cidina isku deyin iskuna ceebayn arrin aan lagu wada socon oo aan collaad iyo nacayb lala abaabulin lana abuurin,(belo ka hortag bay leedahaye ka daba tag maleh) belaayo daaman la qabtay leedaye dabo laqabto maleh.

Waxaanu dadka awoodda u leh ee deegaankii jooga ka codsanaynaa inay iska kaashadaan qoloba dhibta uu ku tala galka iyo ula kaca ula yimaaddo in isaga lagu koobo dushana loo saaro lagana jaro naftiisa.
ALLAAH baa mahad lehoo xaqa nawaafajiya.

Magacyada Beyaanka Qoray:

1: Axmed Geelleh Xuseen
2: Cali Xaaji Cabdi
3: Eng Fu’aad Caarshe Cabbaase
4: Jibriil M Saalax (duuble)
5: Dr Nuux Yaasiin
6: C/naasir Cali Maxamuud (shube)
7: Yaasiin Yuusuf Aadam (dhicis)
8: Yuusuf Xasan Warsame (ileeye)
9: Ibraahim Muuse Ciise
10: Siciid Maxamed Ismaaciil (fiingar)
11: Siciid Maxamuud Cali
12:Cabdixakiim A Geelleh (gallaal)
13:Cabdibare M Cawil (Farabadane)
14:C/rashiid  M Cismaan (boobe)
15:Maxamed S Warsame (illeeye)
16: Maxamed Cabdicase ismaaciil
17: Khadar  Axmed Muuse (shiil)
18:Maxamuud Yaasiin Faarax (fidhin)
19: Cadnaan C Cawad (baraar)
20: C/samed Xuseen Dhahar
21: Mubaarak A Cabdi (laangadhe)
22:  Maxamed Caarshe Cabbaase
23: C/raxmaan Ismaaciil Maxamed (jalad)
24: Cabdullaahi A Cali (Cabdullaahi Case)
25:C/raxmaan Xuseen Dhahar
26: Cumar Yuusuf Ismaaciil (uurciid)
27:Fu’aad  M Cabdi (Xabxab)
28: Axmed Cabdi M axamed (hindi)
29:Mahdi C Cawil (Tirike)
30: C/raxmaan J Mire
31: Siciid Dalmar Jaamac
32: C/risaaq Xasan  Shexaari
33: Faysal Ibraahim Ciise (giriig)
34: Mukhtaar M ustafe Ciise (giriig)
35: Siciid Warsame Dirir
36: Maxamed Axmed Cilmi (abyad)
37:Maxamed Muuse Cilmi (dhidin)
38: C/rashiid Carab Maaweel
39: XasanCarab Maaweel
40: Maxamed Naasir C/nuur
41: C/qani S Warsame (illeeye)
42: Axmed M Cali (caabi)
43: C/risaaq Axmed Cilmi (cilmi)
44: Maxamed Yuusuf Caarshe
45: Shaafici Yaasiin Cabdi (sholoh)
46: Maxamed Yaasiin Cabdi (Sholoh)
47: Siciid Sallaad Warsame (illeeye)

Fikradaha Akhristayaasha (0)




MUUQALADAN RIIX