Daldoon Ugu Kaalay Wararkii Ugu Danbeeyey logo telesom
Loading...

(Video) Puntland Oo Dhabar Jabisay Dawladda Soomaaliya taageertayna Qorshaha Imaaraadka

Cinwaankan Nagala soo xidhiidh --- > daldoontv@gmail.com

Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiweli Max’ed Cali Gaas oo shir jaraa`id ku qabtay xarunta Ciidamadda Badda Puntland ee Boosaaso oo ay gacanta ku hayso dawladda Imaaraatka Carabta ayaa si adag uga hadlay xariirka u dhaxeeya labada dhinac.

Madaxweynaha Puntland ayaa aad ugu dheeraaday xariirka ganacsi ee u dhaxeeya Soomaaliya & Imaaraatka Carabta, wuxuuna sheegay in uu Puntland qiimo weyn ugu fadhiyo xariirka Imaaraatka oo ay ilaalin doonaan wajibaadna ka saaran yahay.

Madaxweynaha Puntland wuxuu sheegay in xariirka dhanka ammaanka ah uu si gaar ah ugala dhaxeeyo Imaaraatka Carabta, gaar ahaana la dagaalanka Argagixisada, la dagaalanka Burcad Badeeda, La dagaalanka Tahriibka iyo La dagaalanka Kalluumeysiga Sharci daradda ah, isagoo sheegay in shaqadaas baaxada weyn ay qabtaan ciidamada uu gacanta ku hayso dawladda Imaaratka Carabta.

Loading...

halkani Riix Daawo video

Madaxweynaha Puntland wuxuu ku sifeeyey ciidamadan in ay yihiin ciidamada ugu qalabka, tayadda iyo waxtarka wanaagsan ee guud ahaan Soomaaliya, ayna yihiin cudud aan cidna ku heysan gudaha Soomaaliya.

Loading...

Share This:

Fikradaha Akhristayaasha (0)




RIIX WARARKAN CUSUB

Loading...
Optimization WordPress Plugins & Solutions by W3 EDGE