Daldoon Ugu Kaalay Wararkii Ugu Danbeeyey logo telesom
Loading...

(Video) Kulankii Xassan Cali Khayre iyo Jawaari iyo arimihii looga dooday…….

Cinwaankan Nagala soo xidhiidh --- > daldoontv@gmail.com

Ra’isul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa  hoygiisa ku booqday guddoomiyaha xilka iska casilay ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari).

Labada masuul ayaa kala irdhoobay xiisadii dhamaatay ee ka dhex jirtay baarlamanka Somalia ka dib markii gudoomiye Jawaari uu ku eedeeyey xukuumada iney gadaal ka riixeysay mooshin isaga laga keenay oo ugu dambeyn sababay inuu xilka iska casilo.

Booqashada Ra’isal Wasaare Kheyre ayaa la sheegay inay ahayd is cafin iyo mahad celin ku aadan tanaasulka uu Gudoomiye jawaari ka muujiyey khilaafkii ka jiray baarlamanka, waxaana labada mas’uul ka muuqday dhoola caddeyn.

Guddoomiye Jawaari ayaa lagu wadaa inuu Baarlamaanka Soomaaliya u jeediyo khudbad uu si rasmi ah isku casilayo, iyadoo ka dib Baarlamanku uu guda geli doono todobaadyada soo socda qaabkii loo soo dooran lahaa afhayeen cusub.

Loading...

Halkan Ka Daawo

Loading...

Share This:

Fikradaha Akhristayaasha (0)




RIIX WARARKAN CUSUB

Loading...
Optimization WordPress Plugins & Solutions by W3 EDGE