Daldoon Ugu Kaalay Wararkii Ugu Danbeeyey logo telesom

Saraakiil Federaalka Ka Socda Oo Ku Sugan God-qaboobe………

Cinwaankan Nagala soo xidhiidh --- > daldoontv@gmail.com

Saraakiil ka socda dawladda federaalka soomaaliya ayaa ku sugan degaano ay kamid tahay God-qaboobe iyo buurawadal ee gobolka sool halkaas oo ay u joogaan diwaangalinta ciidamo ay qoranayso dawladda federaalka soomaaliya kana mid noqon doona ciidanka xooga dalka soomaaliya.

Qorshahan oo ay si wadajir ah u wadaan maamulka puntland iyo dawladda dhexe ee soomaaliya ayaa saraakiishan waxay la kulmeen qaar kamid ah isimada dhaqanka gobolada sool sanaag iyo cayn ee ku sugan magaalada garowe waxaana lagu heshiiyay in ciidanka la qoranayo loogu horeysiiyo kuwa ku jira jiida hore kuwa kalena loogu yeedho inay yimaadaan degaanka godqaboobe

Wajiga labaad ee ciidamo qorista ayaa laga bilaabi doonaa gobolka cayn iyo degaano ka tirsan gobolka sool oo ay kamid tahay deegaanka Yeyle goljano iyo degaano kale waxayna ciidamada kamid noqon doonaan kuwa ka qeyb weyn ka qaata xoraynta degaanada Sool Sanaag iyo Cayn

Halkan Ka Daawo

 

 

Share This:

Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. Hassan says:

    IDOOR WAGAASHIYO KUFRIGA WACAD ALLOOW YAALE




Muuqaalkan RIIX