Daldoon Ugu Kaalay Wararkii Ugu Danbeeyey logo telesom

Khaatumo Oo Abaabul Xoogan Ka Bilowday Degaanada Nugaasha Iyo Kulankoodii Buurawadal

Cinwaankan Nagala soo xidhiidh --- > daldoontv@gmail.com

Madaxweynaha khaatumo Cabdul Cagalule iyo wafti uu hogaaminayay ayaa ku sugan degaanada nugaasha halkaa oo ka socda abaabul xoogan oo lagu xoraynayo degaanada SNM-ta xooga ku heystaan oo ay kamid tahay magaalada laascaanood.

Kulamo looga hadlayo qaabkii ciidamo looga soo aruurin lahaa dhamaan degaanada Sool Sanaag iyo cayn ayaa maalmahan ka socday deegaanka buurawadal iyadoo mas,uuliyiinta golayaasha khaatumo ay iskaga kala yimaadeen dhamaan dhulka SSC

Madaxweynaha khaatumo oo dhawaan ka yimid magaalada muqdisho oo ay weheliyaan xubno uu kamid yahay yuusuf shirtag oo saxaafadda la hadlayay ayaa waxay sheegeen inay ka qeyb-qaadanayaan xoraynta degaanada khaatumo ayna soo dhawaynayaan cid walba oo kala qeyb-qaadanaysa sidii dhulka cadowga looga kicin lahaa

Maalmaha soo socda ayaa la filayaa inay la hadlaan saxaafadda islamarkaana ay soo bandhigaan qorshayaal lagu xoraynayo degaanada Sool Sanaag iyo cayn

Share This:

Fikradaha Akhristayaasha (2)

  1. axmed says:

    Madaxweyne cagalule Cid ma haysto, Cidiisa Horgal baa ku badan. Lamana aamini karo cidaas.

  2. Dablariday says:

    Dadku hadday didaan gunnimada waa gobannimo, waana in la is garab taago….Cagalule waa in lagu garab istaagaa halganka gunnimo diidka ah…Isaaq maanta waxay taagan yihiin dhulku ma guuree dadkaa guura..waxay ogaadeen illaa 2007 kii in 200 kun ka badan ay ka barakaceen deegaanada SSC …dadkaasi waxay hadda xeryaha qaxootiga ku yaal PL, Ethiopia iyo Kenya….Waa istaraatajiyad fog oo ay la kaashanayaan dalal dibadda ah ….balse waxaa nasiibdarro ah in kuwa deegaanka u dhasha ee horgalayaal Professors sheeganayaa ay intaas weli garan la’yihiin …




Muuqaalkan RIIX