Daldoon Ugu Kaalay Wararkii Ugu Danbeeyey logo telesom
Loading...

(Video) Marabidii Deegaanka Oo Tukoraq Kulankoodii Hordhaca Ahaa Ku Yeeshay Iyo Kulamada Kuxiga

Cinwaankan Nagala soo xidhiidh --- > daldoontv@gmail.com

Talaabooyinkii dadka deegaanka tukoraq lagu kala furfuri lahaa looguna sheegi lahaa Somaliland la wada leeyahay ayaa hadda daaha laga qaaday waxaana kulamo ku yeeshay koox ka amba baxday magaalada laascaanood oo doonaya in kastamkii laascaanood loo raro deegaanka Tukoraq.

Qorshaha la dajiyay ayaa kamid ah in kastamkii laascaanood loo raro deegaanka tukoraq laguna wareejiyo shaqaale u badan deegaanka tukoraq iyadoo shaqaalihii kastamka tukoraq ee puntland loogu yeedhay inay ka soo hawl-galaan

Horjooge Muuse Biixi ayaa hordhacii horgaladii uu horey xilalkan u hayay u diray deegaanka tukoraq waxayna kala ahaayeen xubnahaas Gudoomiyaha Gobolka Sool Taliyaha Qeybta Booliiska Gobolka Sool Maayarka degmada Laascaanood agaasimaha maaliyada Gobolka Sool Laamaha Cashuuraha Gobolka Sool Iyo Maleeshiyaad kuwa booliiska ah ayaa gaadhay deegaanka Tukoraq.

 

Halkan ka Daawo

 

Loading...

 

 

 

Loading...

Share This:

Fikradaha Akhristayaasha (0)




RIIX WARARKAN CUSUB

Loading...
Optimization WordPress Plugins & Solutions by W3 EDGE