Daldoon Ugu Kaalay Wararkii Ugu Danbeeyey logo telesom

Ugaadhyahan Siyaad Oo Arinta Tukaraq Baaq Cambaarayn Ah Ka Soo Saaray Xubno Bahararsamana Lagu Sheegay Inaysan…

Cinwaankan Nagala soo xidhiidh --- > daldoontv@gmail.com

Xafiiska dhexe ee qurbajoogta Beesha Ugaadhyahan Siiyaad ayaa baaq cambaarayn u diray maleeshiyaadka SNM waxaana dhinaca kale la dhaliilay xubno sheegtay inay yihii reer tukaraq oo aan u dhalan wuxuuna warsaxaafadeedka u qornaa sida hoose

Baaq iyo Cambaareyn 10/01/18

Ku :- D.F.Soomaaliya .
Ku:-Maamulka Pl .
Ku:- Beelweynta Dhulbahante .
Og :-Dawladaha daneeya arimaha soomaaliya .
Og :-Xafiiska W/xoghayaha guud ee Qaramada midoobey.
Og:-maamulka gooni goosaadka Jamhadda SNM.

Ujeeddo baaq kasoo baxay jaaliyadaha beesha Ugaadhyahan Siiyaad.

Hadaanu jaaliyadaha kunool North America, Europe, Australia iyo Wadamada Carabta, ee kasoo jeeda beesha kor kuxusan, Waxaanu cambaarayninaa duulaanka qaawan ee beesha isaaq iyo waxma garatada lasocota ay ka wadaan deegaanada Sool, Sanaag iyo Buuhoodle, gaar ahaan kii ugu danbeeyey ee ay ku qaadeen degmada Tukoraq, iyadoo lawada ogyahay dhibaatooyinkii hore ee ay deeganadan ka geysteen 20sano ee udanbeeyey.

Waxaanu kale oo aanu ka xunahay inay TV yada ka hadleen dad iska dhigaya inay udhasheen deegaanka tukoraq, islamarkaana soo dhoweynaya ciidamada SNM ee barakaca iyo qasaaraha ka geystay deekaanka Tukoraq ‘hadaba waxaanu cadayninaa inaysan dadkaasi kasoo jeedin deekaanka tukoraq, una dhalan, kana hadli karin, waxna ka gelin, dadkaa waxaa kamid ahaa wiil la yiraahdo ina TUNGUB iyo rag kale oo kasoo jeeda isla beesha Bahrarsame, sidaa awgeed waxaanu usheeginaa haday SL joogto iyo haday ka baxdoba deegaankaasi waa deegaan ugaadhyahan, Anagoo aan ka cararayn beelaha kale ee tolkayo ah ee aanu wada degno sida beelaha ugaasyo iyo kuwa kale ee Dhulbahante ba.

BAAQ

Waxaanu ugu baaqinaa dadka dhulbahante iyo cidii kale ee ay qusaysoba, in loo diyaar garoobo Xoreynta dhulka, iyo difaaciisaba, Waxaanu cadayninaa, hadaanu nahay qurbajoogta beesha Beesha Ugaadhyahan inaanu diyaar unahay waxkasta oo ay ku kiciso dagaal lala galo jabhadda SNM iyo camaasiirtii xanbaarsanba, Waxaanu kale oo cadayninaa inaanu taageerino hiil iyo hooba cidkasta oo arinkan ka qayb qaadanisa maamul iyo shacab kuu doonoba ha ahaadee.

Waxaanu usheeginaa haayadaha warqdani tooska ugu socoto iyo kuwa ogta ku lehba, in wixii halkaa ka dhaca ay masuuliyadooda qaadiso maamulka la baxay sl, wixii hada ka danbeeyana uu dulqaad kii naga dhamaaday, dibna aanaanu u dulqaadanayn.

Xafiiska dhexe ee qurbajoogta Beesha Ugaadhyahan Siiyaad.

Share This:

Fikradaha Akhristayaasha (3)

  1. Wiil Omar Wacays says:

    Dhulbahante sheekada haka dhigina mamuulaha is haysta..

  2. Dhalad khaatumo says:

    Alla waxu maxaa kasiyawar kor indhihuunu ha eegeen doqonimada qaarkeed waa laysku cadaabaa tukaraq cid kalaleh majirto waa deegaan dhulbahante qabiilka baas aad intaa wadaan joojiya oo ku kalsoonaada naftiina hadaad soomaaland necebtihiin nugaal oodhan baad uga wada niikisaan oo aad fardo saartaane dhulbahantoow sida isu dhaama oo indhihiinu kor ha eegeen nacasnimada qaarkeed walaahay cadab baalagu galaa maxaa qabiilkeenay reerka aad magacaabaysaan waa degaan waad ogtihiin dhulbahantabadana waa degen meesha ugaadhyahana disha iskama saarna dadka dega waa la ogyahay ee xishooda sidan waa yaxyax marka laydinmaqlo qolo aan idinka ahayn oo qabiil tv lataagan majirto

  3. Darwiishka says:

    Ninba Dabaqadii Hadal
    Qofba Garashadii dood

    Tuko Raq Waa magaalo dhulbahante pl baana haysatay oo kastan bay u ahayd xoolaha kasoo xaroodana $1 Dolar oo horumar ah lagagama qaban jirin Iyada iyo degaan kale oo dhulbahante toona waxay toos ugu xaroonjirtay xarunta maamulka majeerteeniya

    Waaa magaalo weyn oo aan lahyn adeegyadii caafimaadka iyo dhamaan kaabayaashii aasaaska

    Waxaa hubaaal ah dhaqaalaha laga uruursan jiray 100%2 keliya hadii loo qoondayn lahaa inay ahaan lahayd magaalo ka horumarsan magaalooyin badan oo deegaanada ah

    Waxaa nasiib daro ah in qaar kamid ah dadka deegaanka oo markiihorena hortooda lagu maalayay kuna dulmanaaa oo aan magac iyo manfac toona ku qabin sida fiinta u qayliyaaan oo kuwii markay macaanayd lisayay ay iska soo horaysiiyaaan

    Taa macneheedunwaxaa weeye hasha dhibkeedana qaado dheefteedana anayskaleh




New Course: MYSQL (63 CASHAR)

Halkan ka daawo