Daldoon Ugu Kaalay Wararkii Ugu Danbeeyey logo telesom

Madaxweyne Farmaajoow ama ficilkii midnimada Soomaaliyeed fuli, ama fududee midnimada reer Soomaalilayn oo faataxana u raaci! By Maxamuud Ibrahim (Xaaji)

Cinwaankan Nagala soo xidhiidh --- > daldoontv@gmail.com

Kacaankii 21kii Oktoobar 1969 waxa uu waddanka Soomaaliya ku soo kordhiyey xamaasad waddaninimo iyo daldhis si xawli ah ku bilaabmay. Xamaasaddaas iyo xiisihii Kacaanku waxaa dhaawac ku keenay laba arrimood oo isku waqti kulmay oo saluuggii ka dhashay uu sabab u noqday waddadii burburka ee xukunkii Kacaanka. Waxa Kacaankii iyana la god gashay midnimadii iyo wadajirkii Qaran mid ah oo Soomaaliyeed oo shaqeeya.
Labadan arrimood waxay kala ahaayeen:-
1) Curashadii Xisbiga Hantiwadaagga Kacaanka Soomaaliyeed (XHKS) 1976. Xisbigu wuxuu la curtay fikrad ugub oo xukunkii waddanka oo ilaa xad gacanta ugu jirey Golaha Sare ee Kacaanka(GSK) go’aannadana lagu gaadhi jirey hab “go’aan wadareed ah” in loo rogo in awoodda oo dhan gacanta loo geliyo hoggaamiyihii golaha sare ee Kacanaanka Jaalle Maxammed Siyaad Barre (AHN). Waxa kale oo xisbigu la koowsaday dad hawlwadeenno xisbi ah oo badidoodu aanay wax aqoon ah lahayn inay taladii kusoo biiraan, kuwaasoo shaki kala dhex geliyey madaxdii Kacaanka iyo aqoonyahannadii Kacaanku shaqaaleeyeey biloowgii oo ahaa dawaarka wax rogayey ee qorshaynayey hawlaha Hay’adaha dawliga ah isala markaana fulinayey hawl maalmeedka dawliga ah.
2) Arrinta labaad waxay ahayd dagaalkii 1977 ee lagu goobayey in lagu xoreeyo dhulkii iyo dadkii Soomaaliyeed ee gumaysiga Xabashidu xoogga ku haystey. Dagaalkaasi guulihii ciidan ee kediska ahaa ee dawladdii Kacaanku kasoo hooysay waxa ka daba yimid guuldarro ka timid dhanka siyaasadda oo aakhirkii sababtay in Gaashaanbuurtii Waarso (Warsow) ee Midoowga Soofiyeetigu aabbaha u ahaa ay xoog u adeegsato ciidankii Soomaaliyeed ee Ardasababa kulaalayey.
Markii lasoo gaadhay 1978 waxa dalka ka bilaabmay Jabhado hubaysan oo magac qabiil ku suntan waxa ugu horreeysay SSDF. Waxa xigay jabhaddii SNM oo 1982 la aasaasay, in kastoo bishii Abriil 1981 London urur ahaan loogaga dhawaaqay. Jabhadahan iyo kuwo kaloo ku soo biiray oo ka dhashay dad wax qawaday waxay aakhirkii sababeen inay dawladdii Kacaanka shafka dhulka ugu dhuftaan bishii Janaayo 1991.
Haddaba arrinta maqaalkani diiradda saarayaa waxa weeye, maxaa sababay in burburkii xukunkii Kacaanka iyo midnimadii ummadda Soomaaliyeed is raacaan?
In badan oo Soomaalida ka mid ahi marka laga hadlo burburka “midnimada Soomaaliyeed” waxay eedda iyadoo duuduuban dusha u saaraan goosashada Soomaalilaan. Way yar tahay cid is weydiinaysa kaalinta Koonfuri ku lahayd amaba haddaba ku leedahay dhaawacaa midnimada iyo hungada maanta laga joogo midnimadii Soomaaliyeed iyo sidoo kale masuuliyadda ka saaran in dib loo helo midnimo Soomaaliyeed oo cago-adag ku taagan.
Sidaan laba sano horteed sheegay (hoos ka eeg) goosashadan dib ka dhalatay ee Soomaali-layn waxa fududeeyey reer Koonfureed. Marka laga tago qawadkii qaybo ka mid ah gobolladii Waqooyii ay muujiyeen biloowgii midnimada aakhirkiina lagu ladhay bixitaankii jabhaddii hubaysnayd ee SNM ee u sabab ahayd dagaalkii dhexmaray xukuumaddii Kacaanka dagaalkaasoo galaaftay naf iyo maal farabadan oo ummad Soomaaliyeed burbur iyo barokac laaxad leh u geystay.
Waxa dhacday markii xukuumaddii Kacaanku meesha ka baxday 1991, isla markiiba in Xamar lagaga dhawaaqo in Cali Mahdi uu yahay Maxadweynaha cusub ee Soomaaliya iyadoon wax tashiya cidna lagala gelin.
Qolyihii SNM oo awalba aan kalsooni ku qabin (siday sheegaan) guud ahaan Koonfurta Soomaaliya laga bilaabo dhismihii xukuumaddii ugu horreeyse ee Madaxweyne Aadan Cadde (AHN) dhisay biloowgii midnimada 1960 iyo intii ka danbeeysey waxay ku dhawaaqeen bishii Maajo 1991 inay Soomaaliya inteedii kale ka go’een. Intii ka danbeysay dhanka Waqooyiga/Soomaalilayn mawqifkooda iyo ficilkoodu wuu is waafaqsanaa ismana bedbedelayn waxayna kaga dhabeeyeen inay sheegashooda xaqiijiyaan ficil ahaanna ugu dhaqaaqaan wax walba oo muujinaya inay u ekaadaan dad ka madax bannaan Koonfurta Soomaaliya. Degaannada reer Waqooyiga ah ee midnimada Soomaaliyeed doonayana waxay ugu jireen hawlgal iyo dadaal aan kala go’ lahayn oo isugu jira, xilal siin, xoolo siin, iyo weliba xoog u adeegsi markii loo baahdo, aakhirkiina waxay xaqiiiyeen inay intii badnayd reer Waqooyigii goosashada diidanaa ay gacanta ku dhigaan dhul iyo dadba.
Dadkii reer Waqooyi ee ku noolaa Gobollada Sool, Sanaag iyo Degaammada hoos yimaadda Degmada Buuhoodle ee midnimada taageersanaa waxay geed dheer iyo geed gaabanba u fuuleen inay is hortaagaan damaca goosashada Soomaali-laynta. Waxay dadkaasi 1998 si mug leh wax uga dhisteen maamulka Puntland. Ujeeddada ugu weynina waxay ahayd inay garab u helaan ilaalinta midnimada iyo wadajirka Soomaaliyeed beeniyaanna sheegashada ah in reer Waqooyi oo dhammi ay Soomaaliya ka go’een. Nasiib darro hadafkaasi waa lagu hungoobay waxayna dhashay aakhirkii in dhulkii iyo dadkii Midnimada Soomaaliyeed ku mintidayey la dayaco, oo ay gacanta u galaan maamulkii aamminsanaa kala goynta Soomaaliyeed.
Arrinta Puntland ee gobollada Sool Sanaag iyo Degmada Buuhoodle waxay ku ekayd sheegasho aan ficil daba socdaa jirin. Halka ay Soomaali-layn u ahayd hadaf dhab ah oo u baahan in wax kasta loo huro si sheegashadaa ficil loogu daro oo loo xaqiijiyo hadafkaa. Haddaba ilaalinta midnimada iyo wadajirka Soomaaliyeed ma reero yar oo gaara bay u taallaa, mise Soomaali oo dhan baa masuuliyadi ka saaran tahay?
Su’aashan kore intaynaan ka jawaabin bal aan miisaanka saarno ereyga ay had iyo jeer dhegeheennu maqlaan ee dastuurkii Jamhuuriyaddii 1960-kii ilaa kan ugu danbeeya ee Federaalka ku xardhan ee dhahaya “Midnimada, wadajirka iyo qarannimada Soomaaliyeed waa muqaddis!”. Muqaddisnimadani ma mid aan afka dhaafsiisnayn baa? Mise micnaha Muqaddis oo halkan loola jeedo waa “lama taabtaan, lagama gorgortamaan” ayaanba la fahansanayn. Wuxu hadday lama taabtaan yihiin oo waajib ay tahay ilaalinteedu miyaan loo baahnayn in ficil lagu daro oo loo hawl galo in dhaawaca iyo dheelliga laga ilaaliyo. Xukuumadihii kala danbeeyeey ee Carta tii lagu soo unkay laga bilaabo ilaa tan maanta Xamar ka dhisan ee Federaalka ah weli wax ficil ah oo ay ka geysteen ilaalinta midnimadaasi lama hayo. Waxay xitaa awoodi kari waayeen in dadkaa waxwalba u huraya ee reer Waqooyi ee midnimada u taagan inay taakuleeyaan oo tamareeyaan si ay “Muqaddaskaa” la sheego u ilaaliyaan.
Waxaan kula talinayaa xukuumaddan hadda talada Dawladda Federaalka haysaa:-
1) Inay dastuurkooda ka saaraan qodobkan sheegaya “midnimada Soomaaliyeed waa muqaddis”
2) Inay la yimaaddaan ficilkii wax muqaddis ahi lahaan jirey oo ay u hawlgalaan sidii ay u xaqiijin lahaayeen inay meel mariyaan muqaddisnimadaas.
3) Haddaanay xaqiijin karayn, ama aanay diyaar u ahayn inay ilaaliyaan midnimadii, inay walaalaha reer Waqooyi u sahlaan siday u goosan lahaayeen iyagoo midaysan, baajiyaanna colaad sokeeye iyo dhiig dad Soomaaliyeed oo micne la’aan u daata.
Waxaan kaloo ummadda Soomaaliyeed ee midnimada aamminsan u sheegayaa waqtigan xaadirka ah inaana suurto gal ahayn dadka degaannada Sool iyo Sanaag (Bari iyo Koonfurta) iyo Degmada Buuhoodle oo maanta intoodii badnayd ay gacanta Soomaali-layn ku jiraan (si kastaba ha ku galeene) inay keligood difaacaan midnimada Soomaaliyeed. Sidaa daraaddeed waxa ummada Soomaaliyeed ee reer Koonfureed iyo intii kale ee midnimada aamminsanlooga baahan yahay inay fahmaan in waajib isku mid ahi ka saaran yahay sidii loo ilaalin lahaa midnimadaa Soomaaliyeed, si taasi loo xaqiijiyona waxay u baahan tahay in si wadajir ah loogu hawl galo sidii hadafkaa loo xaqiijin lahaa.
Marnaba ujeeddadaydu maaha inaan leeyahay xalku waa in dagaal lagu qaado dadka reer Soomaali-layn oo la laayo dad Soomaaliyeed, laakiin waxaan u dan leeyahay waa in la helaa oo qof kasta oo Soomaali ah oo aaminsan midnimada uu u diyaar garoobaa talo wuxuu hayo, iyo tamar wuxuu awoodi karo dariiqay doonto ha qaadatee inaanu ka hagran in la helo midnimadaas Soomaaliyeed.
Dhibaatada ka dhalata in la waayo midnimo Soomaaliyeed waa inay isku si u taabataa qofka deggan Buuhoodle, iyo Boosaso, kan deggan Badhan iyo Baydhabo, Kan deggan Buuloberde, Bakaaraha iyo Badhaadhe, kan deggan Boorama iyo Bilaaja-Carab, kan deggan Buqda Agabla iyo Baardheere, waa haddii ay aamminsan yihiin inay midnimada Soomaaliyeed “Muqaddis tahay”.
Ummada Soomaaliyeed ee midnimada aamminsan waa inay ku baraarugaan in xal loo helo midnimadii Soomaaliyeed sida ugu dhakhsaha badan. Muuse Biixi iyo Axmed Siilaanyo iyo ragga la midka ah ee Soomaalinnimada waxna kusoo bartay ,kuna soo shaqeeyey inta ay noolyihiin hoggaanka siyaasaddana hayaan rajada midmidu may dhiman, waa haddii Koonfur ay ka dhab tahay “muqaddasnimadu” Koonfur baana looga baahan yahay inay la timaaddo xal dhab ah oo lagu midoobi karo qofwalbana xaqiisa ku heli karo oo aan sidii hore looga cabanyey aan marti la isu noqon. Waxa waqti dhow dhici doonta dad dhallinyaro ah oo aan midnimadii iyo Qarankii wadajirey ee Soomaaliyeed aan fursad u helin, oo ama ku garaadsaday intii qarannimadu sii wiiqmaysay amaba burburkii indhaha ku kala qaadayay inay waqti aan fogayn talada la wareegaan. Bal waxaad qiyaastaa Mahad Salaad iyo Odawaa iyo dhigooda oo reer Soomaali-layn ah oo Xarshin iyo Qaaxo ku dhashay amaba ku koray oo hoggaanka la wareega labada dhinacba! Maxay wadaagaan, maxay isla garanayaan, maxaa ka dhexeeya, xaggay wax ka bilaabayaan! Mid kastaa wuxuu ku ababay cadowgiisa koowaad inuu yahay qof kale oo Soomaaliyeed, iyo inay bannaan tahay si uu uaga guulaysto walaalkiisaa Soomaaliyeed inuu cid walba u garabsado.
Gebagebo:
Duullaankii ugu danbeeyey ee midnimada lagu wiiqayey lana rabey in hadafka goosashada lagu xaqiijiyo wuxuu dhacay shalay oo ahayd Isniin 09/01/2018. Madaxweynihii midmida cumaamadnaana wuxuu joogay meel aan ka fogeyn meesha duullaanku ka dhacayey, daryanka rasaastuna way soo gaadhaysey halka uu joogo oo ahayd Garoowe. Duullaankaasi xuduudda lagu xaqiijinayey maaha xuduudda laba reer oo Soomaaliyeed, mana ahayn qoys ku soo duulay qoys kale, wuxuu ahaa duullaan loola dan lahaa in “waddamo” xuduud ku kala qabsadaan. Masuuliyadda koowaad ee Madaxweyne kastaana waa ilaalinta amniga iyo wadajirka umadda, iyo sidoo kale sugitaanka iyo ilaalinta soohdimaha qarankaa uu u dhaartay. Madaxweyne Muuse Biixi wuxuu isagu fulinayaa waajibaad dastuuriya (dastuurka Soomaali-layn) wax walbana wuu u hurayaa waajibaadkaas taallabadan uu shaly qaadayna waa wuxuu u dhaartay oo ah inuu sugayo (soo xidhayo) xadka Soomali-layn. Madaxweyne Farmaajo waxa looga fadhiyaa inuu waajibkiisa dastuuriga ah fuliyo wuxuu doonoba isagu ha adeegsadee, waddaduu doonana ha u maree, hadduu shaki kaga jirona waa inuu hubiyaa bal Qaranka uu udhaartay 8dii Febraayo 2017 soohdimihiisa. Madaxweyne Farmaajo isagaa laga rabaa inuu xal u helo sidii waddankan la isugu hayn lahaa, hana ogaado markasta oo Soomaali-layn ay soohdimahii saancadaha Ingiriiska kusoo dhowaato ama qabsatona sheegashadii Soomaali-layn way sii xoogaysanaysaa gudaha iyo caalamkaba, taa beddelkeedana waxa sii wiiqmaysa dooddii midnimada Soomaaliyeed.
Allaa Faxane Madaxweyne Farmaajoow ama ficilkii midnimada Soomaaliyeed fuli, ama fududee midnimada reer Soomaalilayn oo faraha ka qaad, faataxana u raaci.
Maqaallo hore oo arrintan la xidhiidha, laba sano horteed.
2) http://www.mudug.net/…/ismiidaaminta-somaliland-ismoogeynta…
Maxamuud Ibrahim (Xaaji)

Share This:

Fikradaha Akhristayaasha (0)




New Course: MYSQL (63 CASHAR)

Halkan ka daawo