Daldoon Ugu Kaalay Wararkii Ugu Danbeeyey logo telesom

Cali Xaaji Cigge Oo Booskii Baneeyay Cabdirashiid Macalin Oo Ku Xiga, G11 Oo Shax Cusub Keentay+ Kooxdii Dr Galaydh Oo Dariiq Ay U Soo Maraan Shirka Baadhanaya

Cinwaankan Nagala soo xidhiidh --- > daldoontv@gmail.com

Aqoon-yahan Cali Xaaji Cigge oo xubnin ka ahaa gudiga qaban-qaabada shirweynaha SSC ee la qorsheeyay inuu buuhoodle ka qabsoomo ayaa baneeyay xubinimadii gudigaas islamarkaana lagu badalay xubin kale oo ay isku beel-yihiin sida ay shabakadda daldoon u xaqiijiyeen xubno ka tirsan gudiga qaban-qaabdada shirweynaha Sool Sanaag iyo cayn.

Cali xaaji cigge  iyo Cabdi-rashiid Macalin Faarax ayaa xubin ka ahaa G11 iyo golaha guurtida khaatumo taasoo shaki badan ku abuurtay shacabka khaatumo maadama ay horey oga mid ahaayeen kooxdii Dr Cali khaliif galaydh oo deegaanada dib u dhaca badan u geystay waxaana la filayaa maalmaha soo socda inuu baneeyo cabdirashiid macalin faarax xubinimada gudiga qaban-qaabada shirweynaha SSC

Beesha Bahararsame oo aan wali buuxin ergooyinkii ay ku lahaayeen shirweynaha SSC ayaa iyana la filayaa in maalmaha soo socda keenaan maadama la yareeyay dawrkii ay ku lahaayeen odayaasha guurtida khaatumo ee ay oga shakiyeen in xubnahaasi yihiin dr galaydh la dagaalan un

Dhinaca kalena garabkii khaatumo ee Dr Galaydh ayaa baadi-goobaya halkii ay ka soo gali-lahaayeen shirweynaha SSC ee buuhoodle waxayna hadda ku dhawaaqeen in isimada SSC yihiin marjaca go,aamin karta go,aanada SSC waxaana xusid mudan inay kol-hore ku tilmaamayn ISIMADA kuwa ku dhex-jira arimo aysan shaqo ku lahayn,

Saaxiibadii hore ee Dr Galaydh ee Dr Cali Ciise Cabdi iyo Cabdikariin xassan jaamac ayaa muqdisho kula shiraya dawladda federaalka soomaaliya iyo maamulada puntland inay qeyb-libaax leh ka qaataan dhismaha maamul laga dhiso gobolada sool sanaag iyo cayn

 

Dr Cali khaliif galaydh oo horey loogu balan-qaaday in la dhisayo somaliland la wada leeyahay iyo in dastuurka la furayo ayaa u muuqda mid looga baxay wuxuu hadda isku dayayaa inuu ciyaarta ka soo bilaabo shirweynaha SSC ee buuhoodle maadama uu xubnaha G11 ka wada adkaysi badanyahay

Somaliland Iyo Puntland

Maamulada Somaliland (Isaaq) iyo Puntland (Majeerteen) oo horey ugu heshiiyay inay cadaadiyaan gobolada SSC ayaa is-badal ku yimi kadib markii saaxiibadii hore ee G11 mid waliba afka saaray halka uu isleeyahay dan baa ku jirta

Share This:

Fikradaha Akhristayaasha (0)




New Course: MYSQL (63 CASHAR)

Halkan ka daawo