Daldoon Ugu Kaalay Wararkii Ugu Danbeeyey logo telesom

(Video) Khiyaamo Cusub Oo G11 La Soo Baxday kadib Markii Laba Xubnood Ee Gudiga Qaban-qaabada Ku Dartay Golaha Guurtida Khaatumo

Cinwaankan Nagala soo xidhiidh --- > daldoontv@gmail.com

Ahmed Maxamuud Xassan (Gacmayare) Iyo Cabdifataax Maxamed Cali oo kamid ah gudiga qaban qaabada Shirwaynaha Sool Sanaag Iyo Cayn ee buuhoodle lagu qabanayo ayaa lagu daray  golaha guurtida khaatumo hawshaas oo ay ka shaqeeyeen xubnihii horey ugu bahoobay G11 maantana la baxay golaha guurtida khaatumo.

Labadan xubnood ayaa hadda ku sugan magaalada muqdisho oo la doonaya inay hogaanka u qabtaan xubnaha kale ee gudiga qaban qaabada shirweynaha SSC ee buuhoodle, taasoo la ogayn sida ay u suurta-galayso dhex-dhexaadnimada shirweynaha dhulbahante ee buuhoodle

xubnaha magaalada muqdisho ku sugan waxaa ku biiraya xubno kale oo uu hogaaminayo Cabdul-cagalule oo magaalada buuhoodle ka amba baxaya kuwaa oo shirarar la galaya dawladda federaalka soomaaliya kulamadaasi oo ay hormuud u yihiin xildhibaanada federaalka soomaaliya ee ka soo jeeda degaanada SSC

Isimada dhaqanka gobolada Sool Sanaag Iyo Cayn oo horey u dhigay go,goshan ayaa u muuqda miday gacantooda ku bur-burinayaan shirweynaha BUUHOODLE maadama xubno la feker ahaa dr galaydh ay u ogalaadeen inay hormuud u noqdaan shirweynaha BUUHOODLE.

Shirkan oo hordhiciisa  muqdisho lagu qabtay ayaa waxaa ka dhex-muuqday xubnihii g11 iyo xubnaha hadda kamid ah gudiga qaban-qaabada

Halkan Ka Daawo

 

 

 

 

Share This:

Fikradaha Akhristayaasha (2)

  1. Turab says:

    Bismillaah

    Shacabka reer Khatumow, danta guud iyo teena, qof walba u gaarka, teebaynu hormarinaa, ma ta guud mise ta gaar ahaaneed? Danleyda reer Khatumo iyo xildhibaanadii Bilaadu bint u dirsatay Xamar, ee aynu ogayn xaaladaii ay ku galeen golaha shacabka, ee lagana dhacay shacabka Khatumo, yay metelaan/codkoodana ku hadli karaan, waa cidna. Danley/garab rarato, waxay uun wataan, dantoodii u gaarka ahayd, cidna kuma meteli karaan dantaa gaar ahaaneed. Iyagoo afkii Bilaadu bint ku hadaaqaya kama hadli karaan arrimaha Khatumo u gaarka ah.

    Sidoo kale, haddii ay doonayaan danleydu iyo dadkay wataan, inay madax ka noqdaan Khatumo, waa muwaadiniin u dhashay degaanka. 8 bilood baa ka hadhay waqtigii la bedelayey maamulkan, ha soo diyaar garoobeen; shirkooda dhiciskana ha ku beegtaan, xilligaa. Laakiin maamulkan wata shaqadiisii, ma aha inay marba is hor dhigaan.

    Hadda waxaynu ognahay, in maamulku yidhi nabad baanu qaadanay, ha la sugo waxay ka keenaan. iyagoo, maamulku, hawshii ku jira, in marba taswiish beena lagu furo shacabkan, la dulmay, laga fiican. “Yaa shacabu nadal”, inaad dagaalantid/ciidan keentaan-diide, inaad dhaqaale uruurisaan-diide, inaad maamulkiina la shaqaysaan diide, dee markaa ma Cabdiidu jaan baad tihiin.

    Ciyaartan waxa daaha dabadiisa ka maamulaysa, Bilaadu bint. Waxayna rabtaa inay toosh ku ifiso Dawlada Farmaajo, si ay uga riixdaan meesha, ama ugu yaraan, uu ugu noqdo adoon, ay wax u yeedhiyaan. Duulkan sida xaabada lagu burburinayo degaankooda iyo maamulkooda iyo waliba dantoodii guud, goormay is waansan doonaan. WBT

  2. Mohamed says:

    Dhuloos noloshii banii’aadamka hoos ayay uga dhaceen; in ay iyaku iscaayaan; isdilaan; iidoor gumeeyo waa mida asaagood ka reebtay.




New Course: MYSQL (63 CASHAR)

Halkan ka daawo