Daldoon Ugu Kaalay Wararkii Ugu Danbeeyey logo telesom

(Video) Doolaal Oo Arimo Badan Kaga Hadlay Waraysi Uu Siiyay Idaacadda.

Cinwaankan Nagala soo xidhiidh --- > daldoontv@gmail.com

Axmed Maxamed Doolaal oo kamid ah mas,uuliyiinta badbaado khaatumo horeyna u soo qabtay wasiirka arimaha gudaha khaatumo ka hor inta uusan dr cali khaliif ku biirin maamulka somaliland ayaa wuxuu waraysi siiyay idaacadda codka shacabka SSC

Halkan Ka Dhagayso

 

Share This:

Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. Turab says:

    Bismillaah

    Doolaal bi kulli ixtiraam, wuxuu ka hadlay sida uu u arko qaabka siyaasadeed ee maamulka Khatumo, iyo sida maamulku u qaatay in lala heshiiyo S/land. Laakiin, maamulku miyaanay xaq u lahayn isku dayga ay ummaadooda ku samata bixinayaan (xaq ku raadinta nabad ama dagaal).

    Weriyeha, ma ka tayo xumaa/mise waa ka garasho xumo, qaabka uu u waraysanayey siyaasigaa, aan fawdada wax ku raadin, ee tilmaamaya sida ay ula muuqato siyaasada ay ku socoto dawlada Khatumo. Adeer, mucaaradnimo rayi-dhiibasho ah, waxbaa ku saxma, burburinse meel laguma gaadhi karo (waa uun cadawgaa u jab).

    Weriye, maamulkii Khatumo, wali wuu dhisan yahay, meel lagu bedelay Dr. Galaydh ma jirto, markaa waxa haboon, inaad isa saxdid ama qaadacul dariiq noqo oo cadhadaada ku dhimo.

    Maamulkan, waxa ka baxay keliya Madaxweyne ku xigeenkii hore Cabdulcagalule iyo 7 xildhibaan, iyagoo mucaarad ah sida doolaal-ururka badbaado, way u banaan tahay oo way ka hadli karaan siyaasada maamulka ee degaanka. Laakiin wixii dadku wada dhistay baanu fawdaynaynaa, oo cadaw baanu la shaqaynaynaa, Garowaa na biilaysa. Adeer riwaayadaasi socon mayso/gadmi mayso. Waxay wax ku yihiin waa Khatumo.

    Halgankan, dad badan oo reer SSC ah baa ku naf waayey oo ku naafoobay kuna xoola beelay ama loo xidhay, ma aha in dad yar calooshu taagan tahay, ay isku dayaan inay ciida af u geliyaan isku day kasta ilaa SSC/ilaa iyo maanta (doqon ma waaye, hor taagan). Waar isla yaaba, oo Allihiinii u noqda, shacabkana ka xishooda, intaan la idinku gadoodin. WBT




New Course: MYSQL (63 CASHAR)

Halkan ka daawo