Daldoon Ugu Kaalay Wararkii Ugu Danbeeyey logo telesom

Ollolihii xisbiyada Soomaalilaan ee maalmahan socday, arrimihii aadka iisoo jiitay iyo waxyaabihii aan ka bartay, waxaa ka mid ahaa:

Cinwaankan Nagala soo xidhiidh --- > daldoontv@gmail.com

-Taageerayaal Xisbiga Waddani ka tirsan, oo reer Boorame ah, ayaa iyaga oo Bas saaran, ku dhawaaqayay, “Muuse, Muuse, Muuse” darawalkii Bas-ka ayaa ku yidhi maanta muuse ma ahan waa Cirro ee foodada iga daaya

-Taageerayaal ka tirsan Xisbiga Kulmiye, oo reer Laascaanood ah, ayaa ku heesayay, Waqalkaa da’ayaa waa Waddani. Cirro, Cirro, Cirro”. Waxaa ka dhacday halkaa nagaga daga

-Gaadiid astaantii Xisbi ku sawirantahay, oo heestii xisbiga kale ka baxayso, oo suuqa dhex laascaanood maraya.

-Caruur reer Laascaanood ah, oo gaadiidka xamuulka qaada ka dhookaysan, oo ku heesaya, “Soomaaliyeey toosoo, toosoo isku tiirsada”. Mararka qaarna ku dhawaaqaya, “Farmaajo, Farmaajo, Farmaajo”.

-Dadka ka soo jeeda koonfurta Soomaaliya, gaarahaan Bay iyo Bakool, oo Soomaalilaan ay deegaanno badan ka saartay, inta kale na guulguul ku jooga, oo ollolaha safka hore kaga jira.

-In dhallinyaradu hammuun u qabaan Fanka iyo Fagaare tegista. Intooda badan waxa ay usoo baxayeen in ay ku nefisaan heesaha ay sida xoriyadda ah ula qaadayaan. Waa sababta ay xisbiyadu Fannaaniin iskaga soo horraysiiyeen, si shacab badan ugu soo hirto.

-In caruurtu aysan bulshada ka helin xaqii ciyaarista iyo bulsho dhexgalka. Olloluhu waxa uu u ahaa fursad dahabi ah oo ay ku orordaan, gaadhi aysan raaci jirin na lagu saaro, oo sidii ay doonaan isaga laadlaadiyaan.

Siyaasadda iga daayoo, waxa iisoo baxday qofkii maalgashada goob caruurtu ku ciyaarto “Playground” ama xarun Maddadaalo iyo Muusig isugu jirta “Musical theatre” inuu gacmihiisa dhunkan doono, illeen hadda Sucuuddigii na wakaas inoo fasaxaye!

Halkan Ka Daawo Wixii Ku Dhacay

Maxaa aad ku kordhin intaas, oo goobta aad joogto aad ku aragtay?.

daldoontv@gmail.com

Share This:

Fikradaha Akhristayaasha (0)




New Course: MYSQL (63 CASHAR)

Halkan ka daawo